Hordhac:
Wasaaradda waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare waxaa farxad u ah inay si daahfuran u soo bandhigto fursad shaqo??Maamule ku xigeenka Machadka Tababarka Macallimiinta?.?Maamul ku xigeennada la qaadan doono oo ay tiradooda guud tahay lix (6) waxa ay ka howl gelayaan magaalooyinka Kismaayo 1), Baydhabo?(1), Muqdishu (2), Beledweyne (1), ama Dhuusamareeb (1). Codsadaha waxa uu dooran doonnaa halka uu ka shaqeyn doono, iyadoo dowlad goboleed walba uu ka howl geli doono hal maamule ku xigeen marka laga reebo gobolka Banaadir oo ay ka howgeli doonaan laba (2) maamule ku xigeen.
Mas?uuliyadda ugu weyn ee maamule ku xigeenka waa in uu wax ka hoggaamiyaa dhammaan howlaha ka dhacaya Machadka loo qorsheeyay inuu ka dhaco tababarka macallimiinta la qaadanayo.
Maamule xigeen walba marka uu buuxinayo dalabka codsiga oo ah online wuxuu codsan doonnaa gobolka uu ka shaqeynayo, haddii uu kala saaridda hore ku soo gudbana waxa ay howlihiisa kale ( wareysiga shaqo, shaqada, nidaaminta, iwm) oo dhan ka socon doonaan degmada dowlad goboleedka uu doortay ee uu tababarka ka dhacayo.
Waajibaadka shaqo waxaa ka mid ah in uu:
Ka caawiyo maamulaha haggidda shaqooyinka joogtada ah ee ka socda Machadka
Ka caawiyo maamulaha maamulidda shaqaalaha, saadka iyo miisaaniyadda Machadka
Joogto ah ula socdo soona gudbiyo horumarka la-tababarayaasha
Ka caawiyo tababarayaasha iyo ardeyda machadka gaaritaanka mirodhalka maaddooyinka ay qaadanayaan.
Si dhow ula shaqeeyo, warbixinna uu la wadaago maamulaha, howl-wadeennada wasaaradaha waxbarashada heer federaal iyo heer dowlad goboleed, iyo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee u xilsaaran tababarka macallimiinta
Fuliyo siyaasadaha ku aadan tababarka macallimiinta
Maareeyo dhacdooyinka degdegga ah ee la soo gudboonaada habsami u socodka howlaha Machadka.
Ka caawiyo maamulaha abaabulidda bandhigyada iyo howlaha kale ee la xiriira kor u qaaddida aqoonta iyo wacyiga la-tababarayaasha sida tartamada cayaaraha, doodaha, caawinta deegaanka iwm.
Hubiyo in Machadku ahaado goob leh amni, bilic, iyo nadaafad joogto ah.
Qabto howlaha kale ee uu u xilsaarto maamulaha machadka.Shuruudaha looga baahan yahay codsadaha/musharaxa shaqada waxaa ka mid ah inuu:
Heysto ugu yaraan shahaaddada darajada labaad ee heer jaamacadeed oo takhasus waxbarasho ah?(M. Ed),?oo ay wasaaradda waxbarashadu aqoonsan tahay.
Leeyahay khibrad waxdhigid oo ugu yaraan saddex sano ah.
Leeyahay khibrad maamul oo la xiriirta nidaamyada waxbarashada.
Leeyahay xirfadaha hoggaaminta, maareeynta mushkiladaha iyo go?aan qaadashada.
Lahayn balwad caafimaadkiisa, shaqadiisa, go?aan qaadashadiisa ama sumcadiisa bulshada dhexdeeda wax u dhimmi karta.
Leeyahay akhlaaq fiican iyo dulqaad, ka fayow yahay cudurada la is qaadsiiyo, aanu lahayna iin wax u dhimmi karta gudashada xilkiisa.
Horay u galin fal dambiyeed maxkamad xukuntay.
Leeyahay xirfado dad la dhaqan wanaagsan iyo wadashaqeyn.
Leeyahay xirfadaha asaasiga ah ee isticmaalka kombiyuutarka.
Leeyahay xirfadaha qoraalka