New Agent mode
This posting is no longer accepting applications.

FURSAD SHAQO XOGHAYN MACHADKA TABABARKA MACALLIMIINTA

Expired

Requirnment

Hordhac:

Wasaaradda waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare waxa farxad u ah inay si daahfuran u soo bandhigto fursad shaqo??Xogheynta Machadka Tababarka Macallimiinta?. Xogheynnada la qaadan doono oo ay tiradoodu guud tahay toddoba (7) waxa ay ka kala howl gelayaan magaalooyinka Kismaayo (1), Baydhabo (1), Muqdishu (3), Beledweyne (1), iyo Dhuusamareeb (1). Codsadaha waxa uu dooran doonnaa halka uu ka shaqeyn doono, iyadoo dowlad goboleed walba uu ka howl geli doono hal xogheyn marka laga reebo gobolka Banaadir oo ay ka howgeli doonaan saddex (3) xogheyn.

Mas?uuliyadda ugu weyn ee xogheynta waa in ay maamulka u fududeysaa ururinta iyo qeybinta xogaha maamulka iyo dhammaan howlaha kale ee ka dhacaya Machadka.

Xogheyn walba marka uu buuxinayo dalabka codsiga oo ah online wuxuu codsan doonnaa gobolka uu ka shaqeynayo, haddii uu kala saaridda hore ku soo gudbana waxa ay howlihiisa kale ( wareysiga shaqo, shaqada, nidaaminta, iwm) oo dhan ka socon doonaan degmada dowlad goboleedka uu doortay ee uu tababarka ka dhacayo.

Waajibaadka shaqo waxaa ka mid ah in uu:

Maamulo farriimaha, kullamada iyo ballamada la xiriira maamulka.

Diyaariyo, ururiyo, uuna qeybiyo farriimaha, ajendayaasha iyo ogeysiisyada la xiriira maamulka.

Diiwaangeliyo, uuna si joogto ah u sugo xogaha ardeyda, macallimiinta, shaqaalaha kale iyo dadka kale ee la macaamila machadka.

Ka caawiyo maamulka soo ururinta iyo dhammeystirka xogta dhaqaalaha iyo warbixinnada machadka.

Sameeyo uuna dhowro habraac xog ururineed oo hufan.

Hubiyo, lana socdo baahiyaha qalabka/adeegga sida joogtada looga isticmaalo machadka, waqti ku habboonna uu gudbiyo codsi.

Ka caawiyo maamulka maamulidda shaqaalaha, saadka iyo miisaaniyadda machadka.

Ka caawiyo maamulka abaabulidda bandhigyada iyo howlaha kale ee la xiriira kor u qaaddida aqoonta iyo wacyiga la-tababarayaasha sida tartamada cayaaraha, doodaha, caawinta deegaanka iwm.

Ka caawiyo in machadku ahaado goob leh amni, bilic, iyo nadaafad joogto ah.

Qabto howlaha kale ee ay u xilsaaraan maamulka machadka.Shuruudaha looga baahan yahay codsadaha/musharaxa shaqada waxaa ka mid ah inuu:

Heysto ugu yaraan shahaaddada darajada 1aad ee heer jaamacadeed oo takhasus maamul ah?(Public/Business Admin), oo ay wasaaradda waxbarashadu aqoonsan tahay.

Leeyahay khibrad maamul xafiis oo ugu yaraan saddex sano ah.

Leeyahay xirfadaha maareeynta mushkiladaha iyo go?aan qaadashada.

Leeyahay xirfado dad la dhaqan wanaagsan iyo wadashaqeyn.

Leeyahay xirfadaha asaasiga ah ee isticmaalka kombiyuutarka.

Leeyahay xirfadaha qoraalka iyo soo bandhiggidda.

Aqoon fiican u leeyahay qoraalka iyo akhriska luqadaha Soomaaliga iyo Carabiga ama Ingiriiska.

Lahayn balwad caafimaadkiisa, shaqadiisa, go?aan qaadashadiisa ama sumcadiisa bulshada dhexdeeda wax u dhimmi karta.

Leeyahay akhlaaq fiican iyo dulqaad, ka fayow yahay cudurada la is qaadsiiyo, aanu lahayna iin wax u dhimmi karta gudashada xilkiisa.

Horay u galin fal dambiyeed maxkamad xukuntay.

An error has occurred. This application may no longer respond until reloaded. Reload 🗙