New Agent mode
This posting is no longer accepting applications.

FURSAD SHAQO MAAMULE MACHADKA TABABARKA MACALLIMIINTA

Expired

Requirnment

Hordhac:

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare waxaa farxad u ah inay si daahfuran u soo bandhigto fursad shaqo ?Maamuleyaal Machadka tababarka macallimiinta?. Maamulayaashan la qaadan doono oo ay tiradooda guud tahay lix (6), waxa ay ka kala howl geli doonaan magaalooyinka Kismaayo (1), Baydhabo (1), Muqdisho (2), Beledweyne (1), iyo Dhuusamareeb (1). Codsadaha waxa uu dooran doonnaa halka uu ka shaqeyn doono, iyadoo dowlad goboleed walba uu ka howl geli doono hal maamule marka laga reebo gobolka Banaadir oo ay ka howgeli doonaan laba (2) maamule.

Mas?uuliyadda ugu weyn ee maamulaha waa in uu hoggaamiyaa dhammaan howlaha ka dhacaya Machadka loo qorsheeyay inuu ka dhaco tababarka macallimiinta la qaadanayo.

Maamule walba marka uu buuxinayo dalabka codsiga oo ah online wuxuu codsan doonnaa gobolka uu ka shaqeynayo, haddii uu kala saaridda hore ku soo gudbana waxa ay howlihiisa kale ( wareysiga shaqo, shaqada, nidaaminta, iwm) oo dhan ka socon doonaan degmada dowlad goboleedka uu doortay ee uu tababarka ka dhacayo.

Waajibaadka shaqo waxaa ka mid ah in uu:

Hago shaqooyinka joogtada ah ee ka socda Machadka tababarka.

Maamulo saadka iyo miisaaniyadda Machadka.

La socdo soona gudbiyo horumarka la-tababarayaasha.

Hubiyo gaaritaanka mirodhalka maaddooyinka ay qaadanayaan la-tababarayaasha.

Si dhow ula shaqeeyo, warbixinna uu la wadaago howl-wadeennada wasaaradaha waxbarashada heer federaal iyo heer dowlad goboleed, iyo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee u xilsaaran tababarka macallimiinta.

Fuliyo siyaasadaha ku aadan tababarka macallimiinta.

Maareeyo dhacdooyinka degdegga ah ee la soo gudboonaada habsami u socodka howlaha Machadka.

Abaabulo bandhigyada iyo howlaha kale ee la xiriira kor u qaaddida aqoonta iyo wacyiga la-tababarayaasha sida tartamada cayaaraha, doodaha, caawinta deegaanka iwm.

Hubiyo in Machadku ahaado goob leh amni, bilic, iyo nadaafad joogto ahShuruudaha looga baahan yahay codsadaha/musharaxa shaqada waxaa ka mid ah?inuu:

Heysto ugu yaraan shahaaddada darajada labaad ee heer jaamacadeed oo takhasus waxbarasho ah?(M. Ed),?oo ay wasaaradda waxbarashadu aqoonsan tahay.

Leeyahay khibrad waxdhigid oo ugu yaraan shan sano ah.

Leeyahay khibrad maamul oo la xiriirta nidaamyada waxbarashada ugu yaraan 3 sano.

Leeyahay xirfadaha hoggaaminta, maareeynta mushkiladaha iyo go?aan qaadashada.

Lahayn balwad caafimaadkiisa, shaqadiisa, go?aan qaadashadiisa ama sumcadiisa bulshada dhexdeeda wax u dhimmi karta.

Leeyahay akhlaaq fiican iyo dulqaad, ka fayow yahay cudurada la is qaadsiiyo, aanu lahayna iin wax u dhimmi karta gudashada xilkiisa.

Horay u galin fal dambiyeed maxkamad xukuntay.

Leeyahay xirfado dad la dhaqan wanaagsan iyo wadashaqeyn.

Leeyahay xirfadaha asaasiga ah ee isticmaalka kombiyuutarka.

Leeyahay xirfadaha qoraalka iyo soo bandhiggidda.

Aqoon fiican u leeyahay luqadaha Soomaaliga iyo Carabi ama Ingriisi

An error has occurred. This application may no longer respond until reloaded. Reload 🗙